AMISOM iyo Q.M oo ka shiray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Kulan Looga hadlayay in la sameeyo qorshe-hawleed dhameystiran oo lagu hago Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaa uuna  Shir uu u dhaxeeyay AMISOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa loogu falanqeeyay waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, marka la filayo in AMISOM ay baxdo oo ay ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amniga Soomaaliya marka la gaaro 2021.

Shirkan oo soconaya muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab, sida loo kala hormarinayo qorshaha AMISOM ee kala guurka iyo hanaanka ugu fudud ee lagu taageeri karo howlgalka.

Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xilli muhiim ah oo lagu jiro joogteynta howlgallada Milatari,sugidda waddooyinka sahayda u marto AMISOM iyo goobaha dadka ku badanyihiin.

Shirka waxaa ka qeybgalaya Waddamada ay Ciidamafda Milatariga iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya,Wakiillo ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa, Qaramada Midoobey iyo ka qeybgalayaan kale.

Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey  Lisa Filipetto, ayaa sheegtay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadatay xasilinta Soomaaliya, iyadoona sheegtay in Xafiiska ay madaxda ka tahay ee UNSOS ay ka go’antahay taageerada amaanka ee Soomaaliya iyo howllaha AMISOM.