Amiirka Qatar oo xalay isku dayay in uu saameeyn ku yeesho shirka Garowe iyo qorshihii Fahad oo fashilmay (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu xalay khadka teleefeenka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani isaga oo ku sugan Magaalada Garowe. Sida MOL ay xog ku heshay wada hadalka labada hogaamiye ayaa waxa ka soo shaqeeyay safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya iyo Fahad Yasin.

Ujeedada wadahadalka ayaa ahaa in la tuso madaxda dowlad goboleedyadda in Dowlada Qatar taageersan yahay Madaxweyne Farmaajo isla markaan lacag dhawaan soo gaari doono Farmaajo iyo kooxdiisa.

Qorshahii Fahad soo maleegay ayaa waxa uu ku dhamaaday fashil ka dib markii madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabka Puntland ay dhagaha ka fureeysteen wadahadalka Farmaajo iyo Shiikh Tamim.  Mid ka mida wafuuda la socotay madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in qorshaha Fahad Yasin ay ka careeysiisay madaxda dowlada goboleedyadda.

Dhanka kale Inta uu socday wada hadalka hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Qatar waxaa hakad ku jiray shirka Garowe, maadaama buuq uu ku soo dhamaaday kulan gaar ahaa oo dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Mas’uulkaan oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa yiri ” .. Farmaajo waxa uu garan la’yahay in laga soo gudbay xiligii uu dadka iibsan jiray amaba loogu faani jiray mas’uuliyiinta in uu wadamo kale wataan isaga”. Waxa uu ku daray ” Xaqiiqdii mas’uuliyiinta qaar waaba ay ka sii xanaajisay faragalinta Amiirka Qatar ee arimaha u gaarka shacabka Soomaaliyeed”.

Qatar oo galaangal ku leh Siyaasada gudaha ee Soomaaliya ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda   Farmaajo, waxaana horaantii sanadkan ku deeqday lacag gaareysa 20 milyan oo ah Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan inkastoo ayan lacagtaa wali soo gaarin dowlada Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaa looga adkaaday dhamaan geeska Africa iyo Bariga dhexe wadanka kaliya oo ay Qatar saameyn ku leedahay waa dowlada Faramaajo iyo kooxda Xamaas ee fadhigeedu yahay magaalad Gaza.