MW Farmaajo aya lagu wada in uu la kulmay amiirka dalka Qatar kulan saxaafadda laga qariyay oo an hore loo shaacin. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in kulanka uu daba socda shirar uu MW Farmaajo la yeeshay Madaxweynaha iyo RW dalka Talyaaniga.
Kulamadan oo lagu lafo guray ujeedka loogu yeeray MW Farmaajo oo ah in uu ka tanaasulo kiiska badda oo ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya oo hadda hor yaal maxkamadda caalamiga ah ee Hague.
Shirkadda ENI oo ay wada leeyihiin dowladda Talyaaniga iyo Qatar oo sida sharci darada ugu baareysay shidaalka xeebaha Soomaaliya ayay kala hadleen madaxda Talyaaniga.
Waxaa sido kale arrintan markii ugu horreeysay kala hadli doono MW Farmaajo Amiirka dalka Qatar oo 51% ay leeyihiin saamiga shirkadda ENI ee dalka Talyaaniga.
Lama oga go’aanka uu qaadan doono MW Farmaajo waayo waxaa usbuucyadii ugu danbeeyay uu u muujinaayay taageero dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxaana warar aay heshay MOL ay sheegayaan in MW Farmaajo uu ku talo jiro in uu xiriirka u jaro dowladdaha Qatar iyo Turkiga inta aan la qaban shirka seddex geesoodka ah ee lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho dhammaadka bisha Disember ee sanadkan.
Madaxweyne Farmaajo aya lagu wadaa booqashada Talyaaniga kaddib in uu tago magaalada Istanbuul oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Turkiga kaddib inta aanu uga sii gudbin magaalada Nairobi oo kula kulmi doono madaxda dalkaas sidii loo soo afjari laha kiiska dacwada ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya