Amiirka Al-shabaab oo soo duubay Fariiin Soconeeysa 29-daqiiqo!!

Reading Time: < 1 minute

Amiirka kooxda Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar (Abuu Cubeydah) ayaa soo saaray farriin ku saabsan xaaladda dalka Suuriya (Shaam) oo uu sheegay inuu duullaan ay hor kacayaan Gaallada lagu hayo muddo sanado ah.

 

Farriiin amiirka Alshabaab oo Carabi ahayd ayaa soconeysay muddo 29 daqiiqo ah, wuxuuna Sheekh Abuu Cubeyda kusoo cambaareeyay dagaalka Ruushka iyo dowladda Suuriya ee Bashaar Al-Asad ku qaadeen degaanka Bariga Guuta oo uu sheegay in lagu laayey kumanaan muslimiin ah.

Amiirka Alshabaab ayaa tacsi u diray dadka reer Shaam ee Suuriya isagoo uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ku dhacday walaaheneena Muslimiinta ah ee Ghuudada Bari, sida uu yiri Sheeykh Abuu Cubeydah.

Sheekha ayaa sheegay in dagaalka ay ku jiraan Muslimiinta reer Suuriya uu yahay dagaalka salka ku haya caqiidada iyo towxiidka, wuxuuna waxa uu ugu yeeray Walaalaha Muslimiinta ee Shaam ugu baaqay inay sii wadaan jihaadka oo ah dagaal u dhexeeya Muslimiinta oo dhamaatood dhinac ah iyo gaalada oo dhamaantood dhinaca kale ah.

 

Wuxuu cambaareeyay kaalinta Turkiga ee dagaalka Suuriya, dadka Turkiga ku booriyay inay ku baraarugaan in dowladda Erdogan ee Turkiga ay horjeedo Islaamka iyo ehelkiisa, Dowladda Turkiga ayuu sheegay inay Gaallada u adeegto.