Ambassador Yamamota maxuu kala hadlay Madaxda Hir-shabeelle

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeebelle Md Dr Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Cali Guudlaawe Xuseen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DG HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u Fadhiya Somaliya Ambassador Yamamota.

Kulankan u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo Ambasador Yamamota ayaa Waxaa looga Hadlay Xaaladaha Amni ee Deegaanada DG HirShabeelle iyo Mida Horumarineed ee Wax Soo Saarka Beeraha iyo Kalluumeysiga.

Dowlada Mareykanka ayaa Mashruucyo lagu hormarinayo Beeraha Gaar ahaan Dalagyada Bariiska Sisinta iyo Looska uga faaideyntoonta Beeraleyda HirShabeelle Sidoo kalena Mashaariic kalluumeysi iyo Mid Shaqo Abuur u sameyn doonta Dhalinyarada