Amaro laga soo saaray Amniga degmada Guriceel

Reading Time: < 1 minute

Kadib kulan ay xalay degmada Guriceel ku yeesheen ,talisyada Ciidamada NISA,booliska iyo Xubnaha Guddiga Amniga oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha degmada Guriceel Cabdullaahi Maxamed Barre,waxaana kulanka lagu falan qeeyey Arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarey dhinaca Amniga maadaama degmada Guriceel uu ka dhacay isbedel dhinaca Hay’adaha Amniga ah,isla markaana ay ka howlgallayaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya,waxaana laga soo saaray Amaro la xiriira dhinaca Amniga.

Amarada kulankaas laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in gudaha Magaalada lagu arki karin dad wata hub sharci darro ah,isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya iyo amaro la dul-dhigay Milkiilayaasha Hotelada Degmada Guriceel.

Madaxa Warfaafinta degmada Guriceel Macalin Qaasim Sheekh Mire ayaa Warbaahinta u Akhriyey Amarada laga soo saaray kulanka.