Amaro culus oo lagu sugayo Amaanka Madaxtooyada Soomaalia oo lasoosaaray kadib Weerarkii SYL

Reading Time: < 1 minute

Amaro cusub ayaa lagu soo rogay Koontaroolada laga illaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Villa Somaliya, kadib weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Syl ee Muqdisho.

Amaradaan oo saaka lagu arkay baraha Koontaroolada ee Madaxtooyadda ayaa masuuliyiinta waxaa loo sheegayaa in ciidamada illaalada u ah inay ku reebaan Barta Koontaroolka baarista ee Madaxtooyadda.

Kaliya waxaa la ogol yahay in ciidamadooda ay la gudbaan Wasiirada, Wasiir Ku xigeenada & Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida & Ku xigeenadooda, waxaana la diiday dadka intaasi ka sokeeya in ciidankooda ay la gudbaan.

Baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada illaalada Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu arkayaa Askar badan oo fadhida halkaasi, maadaama loo diiday inay u gudbaan dhanka Madaxtooyadda Somaliya.

Lama oga sida amarkaan uu ku dhaqan geli doono, maadaama ay jiraan masuuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dowladda, kuwaasi oo wata ciidan illaalo hubaysan, islamarkaana isticmaala marinka madaxtooyadda.

Tani ayaa u muuqata caqabad cusub oo ku soo korodhay hanaanka suggida ammaanka Madaxtooyadda Villa Somaliya oo cabsi Shabaab laga qabo awgeed amaradan loo soo saaray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!