Amarada Al Shabaab oo Ka Dhaqan Galay Muqdisho&Laamaha Amanka oo Milkiilayasha Kaga Digaya Qadashada Amarka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Hadal haynta wadata cabsaida ugu wayn ee Muqdisho ka taagan aya ah go’aankii dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku xireen inta badan Garoomada lagu ciyaaro ee ku yaalla Muqdisho iyado arinta ugu xasaasisan ay tahay in garomo ku yala Maka Al Mukarama la xiro.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amarka Al-Shabaab uusan ka dhaqan gelikarin.

Waxaa uu sheegay in uu maamulada uu kaga digaayo in ay qaataan Amarada Al-Shabaab.

Shabaab ayaa xiray inta badan garoomadda lagu ciyaaro kubadda Cagta ee loo yaqaan (Salaxa) kadib markii muddooyinkii dambe ay wadeen xiriiro kala duwan oo ay la sameynayeen Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

Al Shabaab waxa ay u xireen goobo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaallo Degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, haddana waxa ay amaro dul dhigeen goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta ee ku dhaw xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama.