Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay amar dul-dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalla dalka,kuwaas oo ruqsad ka heysta Dowladda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu amray Shirkadaha Isgaarsiinta inay isku furaan qadadka taleefoonadooda,isla markaana dhammaan Shirkadaha taleefoonada ay noqdaan kuwo is wici kara.
Arrintaan dad badani waxay u arkaan arrin loogu talagalay in lagu kordhisto musuqmaasuqa oo shirkadaha looga qaato lacago dheeraad ah haddii kale la yiraahdo waa la dhaqangeliyaa. Horay ayey dowladdaan u soo jeedisay balsa waxay ku dhamaaneysay in laaluush la dhaafsiisto kadibna afka la xerto.Haddi ay hirgasho waa arrin wanaagsan oo shacbiga waxay helayaan khidman u dhiganta lacagahooda oo hadda qaali ku ah.
Hoos Ka Akhriso Qoraal kasoo abxay Hay’adda Isgarsiinta Qaranka
Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.
Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.
Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay
Hadii ay dhaqan gasho tallaabadaan lagu amray shirkadaha Isgaasriinta ee ka howlgalla dalka ayaa waxaa ay Shacabka Soomaaliyeed u fududeyn kartaa in qof walba uu si fudud kana dhaqaala yar uu ku Waco taleefoonkii uu doono.