Amar culus oo lagusoo rogay dhaq-dhaqaaqa Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa Maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay amniga, kadib falal amnidarro oo ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Samad Galan, Taliyeyaasha Booliska Puntland iyo kuwa Gobolka Bari iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa diirada waxaa lagu saaray xaalada amni ee Gobolka Bari sigaar ah Magalada Boosaaso oo tira ka dhowr jeer falal lidi ku ah amniga ay ka dhaceyn,waxaana ugu dambeyn laga soo saaray Go’aano la xiriira amniga.