Amaanka Magaalada Jowhar oo Halis Ku Jira & Cabsi Xoogan oo Halkaasi Ka Taagan

Reading Time: < 1 minute

Laamaha Amniga Ee Soomaaliya ayaa Gudbiyay Xog ku Saabsan in Ay Dhici karto Weeraro ay Degmada jowhar ka geysan karaan Dagaal yahanada Al-shabab.

Cabsi la xiriirta Arrintaasi ayaa la sheegayaa in ay ka taagan tahay Magalaada Jowhar xili ay jirto in Xubno ka tirsan Al-shabab lagu Arkay Duleedka Magaalada Jowhar.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Xiliga gabalka marka uu dhaco magaalada ay umuuqato in ay haabaneyso taasi oo Baqdin badan ku Abuurtay Dadka Degan magaalada jowhar ee xarunta dowlad Goboledka Hirshabele.

Meelaha Ugu Badan ee laga Cabsi qabo in Alshabab ay weraraan ayaa waxaa ka mid ah Xaafada Hantiwadaag oo ah Faris magaalaha jowhar.

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo ka duulaya Xaalada Cabsi ee dhanka amaanka ah ee ka jirta Jowhar ayaa waxa ay bilaabeen Roondo joogta ah oo ay Ciidamada Amaanka ka sameynayaan Xaafadaha jowhar.