Amaanka Magaalada Boosaaso oo aad loo adkeeyey

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii ugu badnaa la geeyay duleedka magaaladaasi Boosaaso.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay soo kordheen dilalka ka dhaca muddooyinkii danbe  gudaha magaalada Boosaaso isla markaasna masuuliyadiisa inta badan ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish halka qorshaha ciidamadani lagu sheegay sidii looga hor tagi lahaa falalkaasi.

Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada looga tala galay in ay ka hor tagaaan falal amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso inta gudaha loogu jiro doorashada Puntland ay sugi doonaan amaanka magaalada.Gudiga amniga ee Puntland ayaa dhawaan waxaa ay sheegeen in ay adkayn doonaan amaanka wadooyinka soo gala magaalada Boosaaso, waxaana ciidamo lasoo dhoobay wadooyinka qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here