Ama Shabaab ama Shacabka Somaliyeed la shaqee, Sheeko waa Dhamaatay Sheekhow.

Reading Time: 2 minutes

Madaxda, Shacabka iyo Ciidanka Soomajeestayaasha Somliyeed waxay u qalab qaateen inay Somaliya ka xoreeyaan Shabaab, dalkuna u noqdo dal la mid waddamada deriska ama ka wanaagsan.

MW Xasan sheekh oo ah taliyaha guud ciidamada ayaa waxaa uu horseed ka yahay dagaallada lagula jiro shabaab oo waxaa ku suganaa furimaha hore dagaalka,  kadib markii uu soo dhisay siyaasada Arrimaha dibadda dalal bandanna ku soo jeediyey gargaarka la dagaallanka Alshabab iyo Abaaraha dalka ka jiraa wax ka qabashadooda.

Somaliya waa dal barwaaqo ah oo dadkiisu ay si fiican u noolaan karaan haddii loo daayo inay dalkooda ka shaqeysataan taasna waay ku iman kartaa in shacabka iyo dowladaha kala dambeeya ay isku meel uga soo wada jeestaan ilaalinta danahooda. Nolosha dhadhaliilo lagama waayo dolwad iyo hogan wabla waa yeelanayaa dhaliilo laakiin waxaa muhiim ah in dhaliilaha la saxo lagana gudbo oo aan lagu habsaamin.

Hogaanka maanta dalka uu leeyahay waxaa ka go’an in uu waqtigiisa oo dhan ku bixiyo sidii Shabaab dalka oo dhan looga xoreyn lahaa, kadibna loo qabsan hawlaha kale ee dalka u yaalla ee loo igmaday hogaanka. Haddaan laga abaal ka dhaceyn muddo yar ayuu hogaanka dalka muujiyey wax qabad weyn oo dhainacyo badan leh, lana taaban karo.

Sahacabka, Ganacsatada, Culimada iyo dhammaan siyaasiyiinta waxaa laga rabaa inay garab istaagaan ciidamada xoogga Dalka iyo shacabka u kacay inay shabaab iska dulqaadaan. Waxaasa dhaliilo leh oo baraha bulshada lagu arkaa kooxo  shabaab u hiillinaya kuwaas oo kala ah:

  1. Kuwa sheeganaya culimo iyo aqoonyahanno calmaani ah oo qaska iyo dhaibaatada dalka ku naaxa. Culimo isku sheegga u qiildayaya shabaab waa qof aan damiir iyo diin toona lahayn balsa camaamadda iyo aayadaha quraanka ku qaraabta oo been ku iibsada.
  2. Kuwa aqooyahanno isku sheegaya oo idaacadaha iyo baraha bulshada soo fadhiista beenna ka baafiya. Waa maxay aqoonta uu leeyahay qofka codkiisa iyo qalinkiisa maanta ku dhibaya wiil dhallinyaro ah oo u diyaar ah inuu dhiiggiisa u huro ummaddiisa si ay guul iyo gobanimo ugu noolaato. Waxaad arkeysaa kuwa soo qoranaya darjada aqoon laga gaaro haddna hab dhaqanka iyo garashada ka liita kuwa aan nasiibka u yeelan inay wax bartaan balse har iyo habeen u taagan difaaca dalkooda. Waad qaadan kartaa PhD, haddana doqon waad ahaan kartaa sida ay noogu badan yihiin maantaba kuwa sidaas ah oo sankooda ka fog wax ka arki Karin.
  3. Siyaasiyiin ku asaasaqay hogaankii dalka halkaan soo dhigay ee keenay inay shabaab dekadaha, daaraha iyo dugsiyada canshuur joogto ka qaataan, kuwaas oo aan weli quusan uuna uguweyn yahay odaygii la is lahaa waxaa uu gudayaa sharaftii ay shacbiga ku abaal mariyeen ugu yeerayeen Madaxdweyne muddo 5 sano ah, waa Farmajo oo aan xataa caqligiisu siineyn inuu cayayaankiisa ku yiraahdo “ war xelli dagaal ayaa lagu jiraa ee joojiya dayaacadihii beenta ahaa ee aan fidin jirnay inta dalku ka xoroobayo”. Maqaar sagaaro iga siko ma laha ee iiga kac mooyee, Somaliya waa sidaas.

Ugu dambeyn taariikh ayaa qormeysa ama Shabaab la shaqee oo dadkaaga lugoo ama shacabka iyo ciidanka dagaalka ku jiraa la shaqee oo adduun iyo aakhiraba hel. Maanta ma jirto meel u dhaxeysaa ee shabaab ama shacabka meel ka soo jeeso. Somalida waa dad karti badan markey helaan hogan ay aamini karaan, maanta ayeyna ugu dhow dahay inay heleen.