Ama Shabaab Afhayeen u Noqo ama Shacabka Somaliyeed u hiilli Meel Dhexe Ma jirto OGOW!

Reading Time: 3 minutes

Waxaan maqalayey muuqaal iyo cod u soo duubay ruux shabaab lacag weli ka qaata oo isticmaala magac Geyla Media, kaas oo weligiis dacaayadda u sameyn jiray Fahad iyo Farmajo. 

Wararka baraha bulshada wareegaya oo la isa saaray oo ku aadan xaaladda dhallainyaradii 5tsa la la’aa meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyo inay ku dhamaadeen dagaalkii Tigray iyo dowladda Itoobiya, waa dacaaayad loo sameynayo shabaab, waxayna qeyb weyn ka tahay in Farmajo soo waco qabiillo oo uu yiraahda dagaalka ka baxa shabaab ayaa idiin wanaagsan ee ha iska xoreynina.

Hasa yeeshee,  Mahadi haka gaarteed MW Xasan Sheekh oo kaashanaya aqoonta iyo waayaaragnimadiisa waxaa uu dadaal aan kala go’a lahayn u galay inuu dhallinyaradaas soo arko, la soo kulmo, soona ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin waxaana hadda socda qprshihii daka dib loogu soo celin lahaa.

MW Farmajo weligiis uma tagin, ma so boqan xaaladooda ma ogeyn, dowladda Erateriyana waaba u diidday inuu soo arki hal mar xataa. Markii uu xukunka wareejinayey waxaa dood adag u dhex martay xafiiska subaxda xil wareejinta Madaxdweynaha MW cusub Xasan  Sheekh iyo MW hore Farmajo taas oo ahayd in MW Farmajo uu rabay inaan xil warejinta lagu darin dhallinyaradaas oo laga aamuso, hasa yeeshee , MW Cusub ayaa ku adkeystay haddii aanu ka hadlin oo aanu sheegin nolsha dhallinyaradaas inuu saxaafadda horteeda ku weydiin doono, waana sababta Farmajo ku kalliftay inuu sheego tirada iyo halka ay la tahay inay ku sugan yihiin.

Intii doorashada socotay MW Xasan sheekh waxaa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in meel lagu sheego dhallinyaradaas oo uu ilaa xataa isticmaalay erayo adaga si dowladdii Farmajo ama tii Erateriya loogu khasbo inay war ka soo saaraan. Erayada adag ma ahayn kuwa iska dheh loo yiri waxay ahaayeen kuwa qorsheyan oo ku aadan xaaladda markaas socotay.

Maanta waxaa ilahay mahadiis ah ciidankaas waa la soo helay waxaana dowladda Erateriya iyo hogaamiyaheeda looga mahadnaqay hawsha ay umadda u qabatay iyo tababarka ay ciidankaas siisay. Waxaa si siman ah loo wanaajiyey xiriirka labada dal iyo labada madaxweyne waayo dantenna ayaa ku jirta, mana nihin dad ka abaal dhaca dalalka iyo shakhsiyaadka na kaalmeeya.

Dalku kuma dhisanaan karo been iyo nin jecleysi oo xukunka lagu hago ee waa in loo hawlgalaa sidii dadka Somaliyeed looga gudbin lahaa xaaladaha laab lakaca ah ee ay NN muddo ku haysay. In si adag loo hadlo maalintey joogto iyo in si debecsan loo hadlo maalinta ay joogto waa waxa lagu yaqaanno hogaanka garashadiisa iyoo tiisa hogaaamineyd ay sarreyso.

Dad badan ayaa qaba inuu Farmajo ciidan dhisay, waxayna u muuqdaan kuwa garaadkooda caaayaya,  runtuna taas maaha waayo kooxo ayuu magacyo xayawaan u bixiyey kuwaas oo lagu soo xulay in loo adeegsado hawllo gaar ah  sida bac ka sii iyo kala wareeg. Maanta ciidanka waxaa u soo noqotay sharaftiisa, waxayna ku jiraan sidii ay dalka ugu xoreyn lahaayeen Alshabaab oo ay muddo dheer oo 5 sano ah ay diidaneed dowladda Farmajo. Dhul badan ayaa durba laga xoreeyey oo ciidanka oo kaashanaya shacbiga Somaliyeed waxay dad badan ka dulqaadeen cadow muddo ku amar ku taagleynayey.

Haddaba cidda maanta dureysa, been ka sheegeysa, ciidanka iyo  hogaanka dalka waa cid rabta ina la fashilo oo uu shabaab dalka sii xukumo, dekadaha, garoomada iyo suuqyada dalkana ay canshurna ka qataan dadkana ku laayaan markey doontaa. Marka iska hubi waxa aad baraha buslahada soo galineysid oo aad cadowga ugu kaalmeyneysid. Maanta ma jirto meel dhexe ama cadowga ayaad la jirtaa oo codkaaga iyo haddalladaada ugu hiillineysaa ama shacbiga iyo dowladda Somaliyeed ayaa la jirtaa oo aad codkaaga ugu kaalmeyneysaa.

Geylan iyo Sirta Media haka fiirsadaan waxyaabaha ay bulshada dhexdeeda ku fidiniyaan, taariikh ayaa qormeysa dalka maanta hiilkaaga ayuu u baahan yahay, mana ah waxa loogu hiillinayo madaxda maanta joogto iyo kuwa soo socda toona ee adiga maxaad dalkaaga ku tartay maalinta uu kuu baahnaa.