Alshabaab oo xukuno ku fulisay Sadax ruux oo midu tahay Dumar

Reading Time: < 1 minute

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay xukuno kala duwan kula fulisay laba Nin iyo Haweeney oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay goobta uu xukunka ka dhacaayay, si ay u daawadan, waxaana xukunada ay isugu jireen laba karbaash ah iyo mid gacanta looga gooyay Nin xatooyo geystay.

Maxkamadda Shabaab ayaa sheegtay in Eedeysane lagu magacaabo Cilmi Khaliif Maxamed oo kufsi u geystay gabar kamid aheyd dadka deegaanka Jilib, waxaana lagu fuliyay xukun ah 100 Karbaash, lagana masaafuriyay deegaanka.

Sidoo kale xukunka labaad ayaa waxaa Al-shabaab ku fuliyeen Haweeney lagu eedeeyay inay ku dhacday fal Zina ah, iyadoona lagu dhuftay 100 karbaash, taas oo magaceeda lagu sheegay Caasho C/qaadir Cumar.

Ugu dambeyn Al-shabaab ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay Nin lagu magacaabo Siidii Muxyadii Cabdi oo lagu eedeeyay inuu xatooyo ka sameeyay goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Al-shabaab ayaa dhowr mar sidaan oo kale deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka uga fuliyay xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho, karbaash iyo gacan goyn, waxaana xukunadaas ku fulisay dad kala duwan oo lasoo eedeeyay.