Alshabaab oo lawareegay deeganada ku xeeran Dagmada Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ka tirsan militariga soomaaliya ayaa gabi ahaanbi la sheegay in ay isaga baxeen deegaannada Deynuunay iyo Goof-gaduud buurey ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saakay la wareegeen deegaannada ay ka baxeen ciidamada xoogga dalka.

Deegaanka Goof-gaduud buurey ayaa maanta waxaa maamulaya xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda Kulmiye. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in cabsi xoogana ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Goof-gaduud buurey ee gobolka Bay.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Degaanada goofgaduud Buurey iyo Daynuunay ee gobalka bay. Deegaanka Deynuunay ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona dagaalkaasi uu khasaaro soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.