Shirkada Allen-Vanguard ee laga leeyahay dalka Canada ee baarta kana hortagta walxaha qarxa ayaa waxaa markale loo cusboonaysiiyay qandaraaskii ay Soomaliya kaga caawineysay ka hortaga walxaha qaraxa oo ay isticmaalaan kooxaha Argagaxisada.
Allen-Vanguard ayaa sheegata inay si qoto dheer ay u taageerto Soomaaliya iyada oo ka hortagto waxa lagu sheego Electronic Countermeasure (ECM) ee Soomaaliya. Allen-Vanguard waxa kale oo ay sheegataa inay bixiso talooyin habeysan oo looga guuleysanayo cabsida argagixisanimada iyo xagjirnimada ku salaysan ee Radio Frequency (RF).
Shirkadaan ayaa ku dhawaad tobaneeyo sano waxa ay sheeganeysay inay Soomaliya ka taageerto ka hortaga qaraxyada ee Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya oo dhan. Lama oga cida la xiisaaabtan kooxdaan iyo in qalabkooda oo babaadiyay shacab iyo askarba.
Xarunta Xalane ayaa waxaa ka howlgala kooxo iyo shirkado kala duwan kuwaas oo ayan jirin cid la xisaabtanta, malaayiin doolarna ku qaata magaca Soomaaliya. Waxa macquul ah in dowlada Soomaaliya ayan wax war ah u haynin qandaraasyada la cusbooneysiinayo iyo cida lacagta lagu siinayo.