Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maalinta oo Sabti ah la ciyaari doonta dalka Algeria oo iyadu martigelinaya tartanka tartanada Afrika ee 17 jirada, kaasoo ka dhici doona garoonka cusub ee Nelson Mandela.
Xulka Somalia ee Ocean Stars ayaa markii ugu horeysay taariikhda u soo baxay koobka qaaradaha Afrika kadib markii ay ku guuleysteen isreebreebka CECAFA, halkaasoo ay finalka 3-1 kaga badiyeen South Sudan.
Soomaalita rajeyneysa inay ka siu buuxda uga soo dex muuqan doonto tartanka kubbadda cagta qaaradda, markii ugu horreysay ayaa xulka Soomaaliya l waxay wajihi doonaan kooxaha adag ee guruubka A kaas oo ay la ciyaari doonaan dalka martigeliyayaasha cayaarya sida Algeria, Senegal iyo Congo.
Tababaraha Algeria Rezki Remmane ayaa qiray in ka soo bixida group-ka aysan ku fududaan doonin kooxdiisa.
“Waxaa nagu soo aaday dalal waaweyn oo culus kuwaas oo si joogto ah uga qayb qaata tartamada waaweyn ee caalamlka. Waxaan aaminsanahay in dhammaan kooxaha ay siman yihiin. Annaga, ma jiraan koox fudud ama adag. Senegal xaqiiqdii waxa ay ina siin doontaa wakhti adag, laakiin waxa aanu ka shaqayn doonaa sidii aanu ugu soo bixi lahayn koobka adduunka,maxay tahay sababta aanu guriga oo dhan ugu socon”.
Dalka Algeria ayaa ah dal markii labaad ka soo muuqday Koobka Qaramada U17. Khibraddooda kale waxay ahayd 2009 markii ay marti galiyeen tartanka.
Waxa ay gaareen finalka balse waxaa 3-1 uga badisay Gambia. Waxay u qalmeen bandhigga 2021 ee lagu qabtay Morocco laakiin markii dambe waa la kansalay cudurka faafa ee COVID-19.
Jadwalka ciyaarta (Dhammaan kulamadu waa 8pm wakhtiga maxaliga ah)
April 29 – Algeria vs Somalia, Nelson Mandela Stadium
May 2 – Congo vs Somalia, Nelson Mandela Stadium
May 5 – Somalia vs Senegal, Mohamed Hamlaoui Stadium, Constan