Al Sunna oo wada-xaajood hoose la gashay DFS, liis cusubna soo saartay

Reading Time: 2 minutes

Ururka Al Sunna  Wameeca ayaa maanta soo gudbisay  liiska magacyo lagu sheegay in uu yahay liiska  Xildhibaannada Galmudug ee ayaga loo siiyay qayb ahaan, 20-kii kursi ee lagula heshiiyay hogaanka Al Sunna.

Inkastaa oo ay Al Sunna  sheegtay in ay liiska ay soo qoratay uu yahay mid iyada u gooni ah hadana ilawareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Al Sunna iyo Dowlada Fedaraalka uu dhex maray  heshiis hoosaad  kaas oo ah  in labada dhinac ay isku aragti ka noqdaan doorashada Madaxweynaha Galmudug. Marka la fiiriyo liiska ay maanta  soo gudbiyeen iyo qaabka uu u qoran yahay waxa muuqata in Al Sunna wax uun ay ku badalay isbadalka ku yimid mowqifkoodii hore.

Dad badan ayaa rumaysan in ay jirto in Al Sunna ay dhaqaale ku badalatay taageerida mowqifka dowlada. Warar hordhac ah oo ay heshay  MOL ayaa sheegaya in  xildhibaanada maanta ay soo gudbiyeen AL Sunna ay noqon doonaan kuwa u codayn doona musharaxa ay wadato dowlada fedaraalka.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magalaada  Dhuusamareeb waxaa halkaas laga hadal haayaan soo bixitaanka liiskaan, waxaana xubno ku dhow dhow Ahlusuna ay sheegayaan in liiskan uu yahay mid Ahlusuna u dirtay Beesha Caalamka, si ay ugu soo bandhigto qoondadeeda kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Galmudug.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qoondada qaar ee ay ku salleeyeen kuraasta Xildhibaanada ay cabaqo keeni karaan marka loo eego sida ay beelaha ugu soo kala xusheen.

Musharixiin badan oo rajo ka qabo in ay helen codka xubanha loo qoondeeyay Al Sunna ayaa waxaan shaki ku jirin in ay meel cidla ah ku soo dhici doonaan mar hadii uu jiri wadaxaajood hoose oo labada dhinac ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!