Hoaganka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa amarro la xiriira dhinaca amaanka ku soo rogtay dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug. Amarkaan ayaa yimid ka dib markii ay Al Sunna Wajeeca ka warheshay qorshooyin lala damacsan yahay degaanka Dhuusamareeb.
Saraakiisha Booliska iyo Nabad sugidda ee Ahlu Sunna ayaa si wadajir ah u soo saaray qodobo ka kooban 10 oo dadka magaalada lagu wargeliyay.
Qodobada ayaa waxaa ay u qoranyihiin sidan;
- Muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis.
- Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo.
- Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya.
- Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada.
- Muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada.
- Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka.
- Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga.
- Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba.
- Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto.
- Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ka jira walwal ah in halkaasi uu ka dhaco weerar lala beegsado madaxda Al Sunna iyo kuwa kale ee ku sugan Degamada Dhuusamareeb.
Dhanka kale Xasan Kheyre ayaa waxa la soo darsay walwal ku saabsan amnigiisa isaga oo ka baqaya in dhib lagu gaarsiiyo degaanka Dhuusamareeb.