Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo ah hogaanka ugu sareeya ee Al Sunna Wajameeca oo maalmihii u danbeeysay wadahadal la waday madaxda beesha Habargedir guud ahaanteeda gaar ahaan dhqanka beesha ayaa codsaday in uu ka soo qaybgalo shirka Hobyo.
MOL ayaa loo xaqiijiyay in codsiga macalinka iyo hogaanka Al Sunna la aqbalay lakiin aan wali la go’aamin waqtiga uu ugu haboon ee uu Macalinka ama wakiiladiisa ugu soo biiri doonaan shirka Hobyo. Iyada oo la qorshaynayo in si heer sare ah loo soo dhaweeyo.
Macalin Maxamud oo ah shiikh caalim ah, xikmad badan, magac weyna ku dhex leh culamada Al Sunna Wajameeca ayaa waxa ay ugu muuqatay in qorshaha uu wado Xasan Kheyre ee lagu been abuuranayo Al Sunna Wajameeca ay dhibaato u keeni karto dadka ku dhaqan Galmudug isla markaana sii kala fogaynayso Al Sunna iyo beelaha Habargedir.
Xasan Kheyre ayaa sacadihii u danbeeyay ku mashquul sanaa sidii uu uga joojin lahaa Al Sunna in ay ka qaybgasho shirka Hobyo. Talaabadaan uu qaaday Shiikha ayaa waxa ay go’gol xaar u noqon doontaa in shir rasmi ah oo nabadeed loo qabto baalaha dega Galmudug iyada oo sidoo kale laga hortagayo shirka been abuurka ku dhisan ee uu iclaamiyay Xasan Kheyre.
Waxaa muuqata in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii adkaanayso in uu qabsoomo shirka uu iclaamiyay Xasan Kheyre ee hogaanka looga dhigay kooxda Al Islah oo u arka culumada Al Sunna in ay yihiin dad ku dhaqmo caqiido ka baxasan diinta Islaamka amaba dad aan caqiido diineed lahaynin.
Wixii ku soo kordha arintaan gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa