Waxaa maanta dagaal culus soo qaaday kooxda Al Shabaab, waxa ayna dagaalkaas ku soo qaadeen gudaha magaalada Ceel-lahelay oo ahayd xarun ay dhawaan qabsadeen ciidanka dowlada federaalka.
Dagaalkaan oo la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa halkaas ka socda dhowrkii saac ee la soo dhaafay. Dowlada Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dagaalkaas, halka kooxda Al Shabaab ay ku shegeen warbaahintooda inay Maanta la wareegeen deegaanka Ceel-lahelay.
Ma jiro warar xaqiijinayao in Al Shabaab la wareegeen deegaanka Ceel-lahelay. Ciidanka galabta lagu weeraray Deegaanka Ceel-Lahelay, waxay isugu jiraan ciidanka DANAB iyo kuwa deegaanka oo si wadajira ula dagaalay kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.