Ururka Al shabaab ayaa sheegtay in xalay ciidamankoodu ay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ku dileen degmada Jowhar oo Xarunta u ah Dowlad Goboleedka Hirshabeele. Waxa ay sheegeen in sarkaalka la dilay ahaa xidigle.
AL Shabab aya sidoo sheegatay in xoogagii dilay ay la baxsadeen qori AK47 ah oo uu watay, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha Afka Al shabaab,
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowlada Goboleedka Hirshabeele oo ku aadan ku aadan dilka Sarkaalka Al shabaab sheegtay in ay ku dishay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeele.