Wararka naga soo gaaraya xeebta liida ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay ka dhaceen Hotelka Pearl-Beach Hotel oo kutaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka Pearl Beach, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka lagu qaaday maqaayada Liido kutaalla.
Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlayaa goobta qaraxa lagu weeraray ee kutaalla xeebta Liido,l wararka soo baxaya ayaana sheegaya in rag hubeesan ka dhax dagaalamayaan goobta la weeraray.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.
Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga.
Ma jirto warbixin hay’adaha amniga ee Dawladda ka soo baxay oo weerarka khasaaraha ka dhashay looga hadlay, xilli wali rasaas iyo jug culus oo lagu sheegay hubka ay ciidanka u adeegsanayaan dableyda gudaha ku jirta laga maqlayo gudaha makhaayada. Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka Pearl Beach.