Al-shabaab:-Waxaan fulinay Weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo aan la beegsanay Saraakiil Sirdoon oo Muqdisho ku sugnaa”

Reading Time: < 1 minute

War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isgooyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Weerarkani waxa ayna sheegeen in ay bartilmaameedsadeen goob isugu yimaadeen Shaqaale katirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ku dhawaad 5 qof ayaa ku geeriyooday, waxa uuna noqonayaa Qaraxii 3-aad ee Muqdisho ka dhaca ku dhawaad 40-cisho ee in dhaafay.