AL Shabaab oo xalay la wareegay deegaanka Marin Gubaaye ee G. Shabeellada Hoose

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan ururka  Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Marin Gubaaye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Wararka ka imaanaya degaankaas ayaa intaas ku daraya in ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ka socda Uganda ay isaga baxeen saldhigga deegaanka Marin Gubaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegtay in sababta ay uga baxeen ay tahay aag beddelasho ciidan. Saldhigan ayaan u jira 40km magaalada Baraawe, oo katirsa gobolka Shabeelada Hoose. Ururka Al Shabaab ayaa labadii bilood ee u danbeeysay ku guulaystay in ay dib u qabsadaan dhul ay ciidamada  AMISOM iyo kuwa dowlada ay horay u heeysteen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!