Al Shabaab oo weerartay xerada Guulwadayaasha – wasaaradda Gaashandhigga

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday xerada Guulwadayaasha ee ku taala meel u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa loo adeegsaday Bambooyin oo lagu weeraray Xerada Guulwadayaasha waxaana fuliyay koox ka tirsan Ururka Al-shabaab isagoo dhacay fiidnimadii hore ee xalay dabadeedna uu xigay dagaal mudo kooban socday oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubnahii Shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday xerada.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay aheyd mid xoogan oo socotay ku dhawaad 20 daqiiqo oo xariir ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan xalay lagu qaaday xerada ciidan ee Guulwadayaasha, hayeeshee maysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidamada dowlada ay kordhiyeen howlgalada ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.