Al Shabaab oo weerartay saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee degaanka AF-Urur

Reading Time: < 1 minute

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhiga ciidamada difaaca dowladda Puntland ee degaanka AF-Urur.

Kooxda ayaa madaafiic ku tuuray saldhiga waxaana ciidamadu kaga jawaabeen hubka culus sida ay warbaahinta  u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka.

Goob-joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in saldhiga laga maqlay rasaas laba dhinac ka dhacaysay.

Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka kooxdaas ku qaaday saldhiga ciidamada Puntland ee Af-urur.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!