Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday saakay Saldhiga Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Kenya,waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday.
Weerarka ayaa ka dhacay saldhigga ciidamada ee loo yaqaano SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee gobolka Lamu.
Waxaa Saldhigga ku sugan boqolaal ciidamo Mareykan ah kuwaas oo qayb ka ah ciidamada dagaalka ka wada gobolkan bariga Afrika, sida lagu sheegay bayaan Al-Shabaab.
Warka kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka khasaare loogu geystay ciidamadda kenya iyo kuwa Mareykanka.
“Aroornimadii hore ee saaka oo axad ah, ciidamo gaar ah oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba, Saldhigan oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda kenya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Lamu Gobolka Woqooyi bari Kenya ee dalka Kenya.