Al Shabaab oo Weeraray Fariisin Ciidanka Amisom Ay Ku Leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buulo ee gobolka Sh/Hoose.

Al-shabaab ayaa marka hore dagaal toos ah la galay Ciidamada amisom ee saldhigay joogay ka dibna waxaa bilowday hoobiyaal iyo hubka culus oo ay labada dhinac isweydaarsadeen.

Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buulo ee gobolka Sh/Hoose.

Al Shabaab ayaa dhowr mar weerar ku qaaday Saldhigaan ay ku sugan yihiin Amisom iyado ay sido kale sare ay ukaceyn weerarada al shabaab ee ka geystan gobolka shabeelaha hoose.