Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha.
Dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya ayaa ka socda deegaanka Ruun-nirgood , waxaana Al Shabaab lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xeradii ciidanka dowladda joogeen.
Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa deegaanka, waxa weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka ruqaan-saday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad u aaday degmada Ruun-nirgood ee dagaalku ka socdo.
Dhaka kale, Ururka Al Shabaab ayaa durbo guulo waa weyn ka sheegatay weerarka saakay ku qaadeen degmada Ruun-nirgood, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 51-askari sidoo kale ku gubeen 8 gaari oo ciidamada lahaayeen.
“Khasaaraha dhimasho ee cadawga kasoo gaaray weerarka ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga degmada Ruun-irgood waa 51 dhimasho ah oo soo gaartay ciidamada Turkigu ku shaqaysto ee loogu yeero Gorgor, kuwaas oo iskugu jira saraakiil iyo askar. Dhamaan gaadiidkii ciidamada u yaallay saldhiga oo ay tiradiisu ahayd 9 gaari 8 kamid ah dagaalka ayaa lagu gubay, halka mid kamid ahna lasoo qaniimaystay” ayuu yiri Sheekh C/caziiz Abuu Muscab.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin weerarkan saakay Al Shabaab ku qaadeen degmada Ruun-nirgood , saraakiil katirsan milataruga Soomaaliya ayaana sheegay in weerarka Al Shabaab iska caabiyeen kuna gaarsiiyeen khasaaro.