Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic dagaalyahanadda Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Maamulka Jubba-land iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Baarsanguuni ee Duleedka Magaaladda Kismaayo.
Saldhigaan waxaa sidoo kale ku sugan Saraakiil ka tirsan Mareykanka oo tababaro siiya Ciidamadda maamulka jubba-land iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in duqeynta Khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamadda Jubba-land iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay ilaa lix askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Jubbland.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubba-land ee loogu hadlaayo duqeynta Shaabaab.
Saldhiga Baarsanguuni ayaa waxaa bishii hore ka dhacay weerar khasaare kala duwan kasoo gaaray Shabaab iyo Ciidamadda Jubba-land.