Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaal degmada Janaalle

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday daldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal aad u xoogan oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan uu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac walow ay sheegeen ineysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen oo ay dagaalka ku dileen laba kamid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kalana hub u badan qoryaha AK47 ay ka furteen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!