Al Shabaab oo weerar ku qaaday gaari Ambalaas ah oo marayay gobolka Waqooyi bari Kenya

Reading Time: 2 minutes

Dablay looga shikisanyahay in ay ka tirsanyihiin Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa weerartay gaari Ambalaas ah oo haween uur leh u waday isbitaalka waxayna dileen ninkii qabay ka dib weerarka arbacada maanta ah ka dhacday Gobolka Mandheera.

Gaariga ayaa ku sii jeeday Isbitaalka Ceelwaaq markii ay la kulmeen dabley hubeysan.

Dagaalyahanada ayaa markii hore gaariga la beegsaday qarxa ka dibna dab qabadsiiyay gaariga gurmadka deg deg ah

Ninkii qabay haweenayda uurka leh ayaa ku dhintay weerarka halka laba kale oo ay ku jiraan kalkaaliso iyo darawalkii gaariga ay ku dhaawacmeen weerarka

Dadkii ka badbaaday waxaa loo qaaday isbitaalka ceelwaaq iyaga oo qaba dhaawacyo badan booliska iyo dadka deegaanka ayaa sidaas sheegay.

“Hooyada uurka leh waxa ay ku jirtaa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Waxaan diyaarinay saraakiil si ay uga arsadaan kuwa weerarka soo qaaday, ”ayuu yiri taliyaha bilayska waqooyi bari Rono Bunei.

Weerarka ayaa yimid maalmo kadib markii toddobo ruux loo la xiriirinayo al-Shabaab ay dileen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya kadib weerar ay ku qaadeen xero ay ku lahaayeen keynta Boni Forest, ee gobolka Lamu.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay dileen xubnahaan ayna soo heleen qalab isgaarsiineed iyo hub ay u adeegsanayeen in ay ku geystaan weerarada ka dhaca deegaanka Lamu ee dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Toddobaad ka hor, Al Shabaab waxay afduubeen oo ay qoorta ka jareen Ugaas ku sugnaa degmada Wajeer. Waxa Ay afduubeen koox ka mid ah saraakiisha amniga ee deegaanka ka dib waa ay sii daayeen marka laga reebo gudoomiyihii oo ay gowraceen.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in ay heegan uga jiraan aagga xadka ka dib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in Al Shabaab qorsheyneyso weerar maalmaha ay dadka aan Muslimiinta ahayn u dabaal dagayaan ciida Kiristaanka.

Gobolka xudduudda ah ayaa waxaa soo maray weeraro soo noqnoqday oo ay gaysteen Al Shabaab.

Shaqaale badan ayaa tan iyo xilligaas loo soo diray xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo hawlgallada Qaybta Ilaalada Xuduudaha si  kor loo qaado amaanka. Ciidamada Kenya waxa ay Soomaaliya u joogaan in ay la dagaalamaan Al Shabaab.