Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab dagaal ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladdu ku leeyihiin halka loo yaqaan Bacaadaha oo ka tirsan Degmada Beledweyne.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Balse  ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijin karta Khasaaraha kala gaaray labada dhinac islamarkaana Al-shabaab weli war kama soo saarin dhankooda.