Al Shabaab oo weerar khasaare ka dhashay ku qaaday deegaanka Camaara

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in arroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in weerarka kadib uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Magaalada Camaara.. Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa la maqlayey dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada isku adeegsanayeen, waxaana weerarka iyo dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid Al-shabaab ee lagu qaaday Saldhig Ciidamada huwanta ay ku leeyiin gudaha Camaara, ayna khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!