Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degaanka Sanguuni ee ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kaxeynayay gaari Caasi ah oo la soo miidaamiyay, wuxuuna ku qarxay afaafka hore ee xerada ciidamada Jubbaland ee Sanguuni.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay inoo sheegeen khasaaraha qaraxan ka dhashay inuu ku kooban yahay oo keliya ninkii gaariga kaxeynayay oo ku geeryooday, balse aanay jirin khasaare ciidanka ka soo gaaray qaraxan.
Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen in ay ku dileen Qaraxaasi ku dhawaad 50 Askari oo ka tirsan Jubbaland.