Al-Shabaab oo weerar ka fulisay Magaalada Mandera, kuna dishay sarkaal katirsan ciidanka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ay ka fulisay Magaalada Mandheera ku dishay sarkaal katirsan Ciidanka Kenya halka ay dhaawacday labo kale waxaana ay gubtay gaari nuuca loo yaqaan cagafta oo ay la socdeen. Goobta uu weerarka uu ka dhacay ayaa lagu sheegay  Tuulada Koromey ee Ismaamulka Mandera.

Dadka lagu dilay halkaas ayaa xiligii dilka  dhacay waxa ay ku mashquulsanayeen dhismaha ceel biyoodka (Banyole dam) sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka oo Warbaahinta hadal kooban siiyay. Weerarada Ismaamulka Mandheera ayaa noqday kuwo joogto ah, labo todobaad waxaa lagu dilay ugu yaraan 15-ruux, halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, beegsigooda waxaa sheegatay Al-Shabaab.

Kenya waxa ay xoogga saartay Ismaamullada Mandheera iyo Wajeer oo saddexdii todobaad ay ka dhacayeen weeraro Al-Shabaab ku beegsatay Saraakiil ciidan, shaqaale dhismo & Gaadiid u adeegay Askarta. Rono Bunei oo ah Taliyaha Booliiska Waqooyi waxa uu sheegay in kororka beegsiga Shaqaalaha Dhismaha ay abuuri karto welwel ama go’aan sababi kara in ay joojiyaan howlaha ay hayaan si ay naftooda u badbaadiyaan.

Cali Rooba Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera ayaa dejiyay qorshe uu la wadaagay Dowladda Kenya oo la xiriira wax ka qabashada amni darrada iyo in Deegaanka uu go’doon geli karo haddii aan laga hortagin haatan.