Al Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday saldhiga ciidanka Jubbland

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarka duleedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hosoe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday mudo saacad ka badan la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay jugta qaraxyo nooca gacanta laga tuuro ee Bambada ah.

Saraakiisha Ciidamadda Daraawiishta Jubaland ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney fashiliyeen qorshe ay kooxda Shabaab ku damacsanaayeen iney ku qabsadaan saldhigga, waxeyna sheegeen iney khasaare xooggan gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, isagoo tilmaamay iney warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Xaaladda degaanka Baarka ee gobolka Jubbada Hosoe ayaa saaka ah mid degan, waxaana socda howlgalo ay sameynayaan ciidamada Jubaland, majirto wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka bixisay weerarkan