Al Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday fariisinka CXD ee Xawaadleey

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo kooxda Shabaab ay saaka ku qaaday saldhig ay ciidamada milatariga ku lahaayeen deegaanka Xawaadley oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Weerarka oo ku bilowday ilaa Afar qarax oo Ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo socday mudo ku dhow saacad, iyadoo kooxdii weerarka soo qaaday ay la wareegtay xerada oo eheyd talis weyn oo laga ilaaliyo Shabaabka isaga kala gudba buundada Xawaadleey.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay dad gaaraya 20 ruux oo askar iyo saraakiil ah, dadka dhintay waxaa kamid ah Taliyahii Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

Shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney xerada ku gubeen gaadiid fara badan oo dagaal oo ay xerada ugu tageen, iyagoo hore u qaatay hub fara badan, sida ay kusoo waramayaan dadka goob joogayaasha ah.

Ciidamo gurmad ah oo tagay deegaanka la weeraray ayaa haatan wada tira koobka meydadka Shabaab ay dileen, si aas wadareed loogu sameeyo.