Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Qeeybo ka mid ah Gobolka Gedo!!

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamadda Maamulka Jubba-land iyo Al-shabaab xalay ku dhex maray deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamadda Maamulka Jubba-land ay ku lahaayeen deegaanka,waxaaan halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay muddo saacad ah.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali (Xasan Yare) ayaa sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamadda Jubba-land ay iska difaaceen, islamarkaana uusan jirin wax khasaaro ah oo dagaalka kasoo gaaray.

Dhanka kale Al-shabaab oo dagaalkaan ka hadlay waxa ay sheegeen in Ciidamadooda ay cagta mariyeen saldhigyo melleteri oo dhinacyada Jubba-land iyo Ciidamadda Ethopia ay ku lahaayeen degmada Buurdhuubo.

Shabaab waxa ay sheegeen in sidoo kale baaritaano laga sameeyay xaafado kamid ah degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!