Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xaafada Carafaad ee degmada yaaqshid waxey ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka galmudug, gaar ahaan saraakiisha ku sugan degmada Dhuusamareeb.
Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu madax u ahaa ciidamo ku sugan degmada Dhuusamareeb, balse safar ahaan uu ugu sugnaa degmada yaaqshid oo xalay lagu toogtay.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada dilkaasi iney ka danbeeyeen, rag katirsan ciidamada Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Mararka qaar Yaaqshid waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lagula kaco saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyo shaqsiyaad aan la aqoon cida ay katirsan yihiin oo kamid ah dadka ku nool degmadaasi.