Al-Shabaab oo u yeeray in ka badan 70 ganacsatada Muqdisho si ay canshuur uga qaataan

Reading Time: 2 minutes

Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]
In ka badan todobaatan (70) maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, sida ilo xog-ogaal ay u sheegeen MOL.

Kooxda Al-shabaab ayaa la kulantay milkiilayaasha ganacsiyada kala duwan ee caasimada oo ay ku jiraan dharka, maqaayadaha, hoteelada, farmasiiyada, dukaamada waaweyn, dukaamada cuntada iyo alaabada gawaarida iibiya.

Kulankaan ayaa ka dhacay tuulada Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi ka xigta Muqdisho habeennimadii Isniinta. 11-kii Maajo, halkaasoo oo ay kula kulmeen afar sarkaal oo ka tirsan guddiga  ururinta zakada ee al-Shabaab.

Inta badan maamulayaasha ganacsi ee la kulmay Al-shabaab waxay ka socdeen shirkaddaha qaabilsan soo dejinta iyo dhoofinta, laakiin waxaa jiray milkiileyaal ganacsato yaryar ah oo badidooda ka ganacsada suuqyada Xamarweyne, Bakaaro iyo wadada Maka al-Mukarama.

Qaar kamid ah ayaa bixiyay waxay ugu yeereen Zakada ama ballanqaaday inay bixin doonaan bishaan gudaheeda, sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade ka soo qeyb galay kulanka oo sababa amni u qariyay magaciisa.

Wada hadalada Al-shabaab iyo ganacsatada ayaa qaatay waqti dheer ilaa subixii talaadada, kadib markii qaar kamid ah ganacsatadu ka cawdeen in laga qaado tobanaan kun oo dollar, una baahan yihiin in laga dhimo lacagtaas.

“Markii ganacsatada ay ka baxaan magaalada Muqdisho, waxay horeyba diyaar la yihiin lacagtooda. Waxaan qiyaaseynaa 75 Ganacsade ayaa bixiyay intii u dhaxaysay Isniinta ilaa Talaadada toddobaadkan qiyaas ku kacaya USD250,000 illaa USD350,000 oo gacanta u gashay Al-shabaab.

Dhinaca kale hal dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaal Xamarweyne ayaa u xaqiijiyay MOL inuu bixiyay $2,500 ka dib wada hadalo dheer.

“Dukaankaygu ma ahan mid weyn laakiin waxay saraakiisha cashuuraha al-Shabaab iga codsadeen inaan bixiyo USD4,000. Waxaan bixiyay USD2,500 ka dib wadahadalada, “milkiilaha bakhaarka ayaa u sheegay MOL.
Mar wax laga weydiiyay ganacsatada Muqdisho sababta ay u wargelin waayeen hay’adaha amniga sida NISA marka ay heleen fartiimaha in laga rabo canshuur aya MOL u sheegay “Waa run, aniga la xiriiray NISA oo u sheegay in lacag canshuur ah ay nasoo weydiiyeen Shabaab, sarkaalkii an la hadlay aya igu wargeliyay in aan lacagta iska bixiyo, wuxuuna ii sheegay in aanan mardanbe dacwad noocaan ah aanan soo gudbin ayuu yiri”

Wuxuu intaa ku daray “Laba maalin kaddib waxaa fartiin markale ii soo diray Shabab oo igu wargeliyay in ay ogyihiin in aan u sheegay NISA in canshuur la i weydiiyay waxaana la igu xukumay $1000 dollar oo dheeri ka ah canshuurta, waana bixiyay ayuu yiri.