Al Shabaab oo toogtay 10 qof oo ay ku soo eedeeyeen basaasnimo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka bay, Ururka Argagaxisada ee Al-Shabaab ayaa shaaciyay in ay toogasho ku fuliyeen 10 qof oo ku eedaysnaa arrima ku saabsan basaasnimo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku warrantay in fagaare ku yaalla degaanka Buura-fuulaay ee Gobolka Baay lagu toogtay shan kamid ah dadkaas oo ku eedaysnaa basaasnimo sirdoon caalami ah.

Dhanka kale, Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay  degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen shan nin oo lagu eedeeyay, in ay la shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka. Sidoo kale,  Al-shabaab ayaa maalin ka hor degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogtay lix ruux oo ay ku tilmaameen basaasiin la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.