Al Shabaab oo soo weeraray bar-kontarool oo ku taala Suuqa Xoolaha – Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor-imaad mudo kooban socday oo u dhexeeyay ciidamadda booliska gobolka Banaadir iyo dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saddex dagaalame oo Shabaab ah ayaa weerar ku qaaday bar-kontrol oo ku taala xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho ah.

Taliska qeybta guid ee booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney goobta ku toogteen mid kamida saddexdii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, waxaana goobta isaga baxsaday labadii dagaalame ee kale, walow hay’adaha amaanka ay wadaan howlgal lagu raad joogo.

Ciidamadda booliska ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay qoriga loo yaqaano RBG-ga oo uu watay ninka ay ciidamadda amaanka dileen.