Al-shabaab oo soo Bandhigay Saldhigii Faafax-dhuun ee Ciidamada kenya ay ka Baxeen (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay sawirada saldhig ay ka baxeen ciidamada Kenya oo ku yaalla degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Milateriga Kenya ayaa 2dii bishan Maarso xerada ka tagay iyadoo sideedii u dhisan iyadoo ay yaalaan qaar ka mid ah agabyadii ay isticmaali jireen.

Xoogaga Al-shabaab ayaa la wareegay xerada markii ay ka baxeen ciidamada Kenya oo halkaas fadhiyey sanado badan