AL Shabaab oo soo bandhigay gawaari iyo hub ay ka qabsadeen Dowlada Soomaaliya

Reading Time: 2 minutes

Ururka Alshabaab ayaa  waxa ay bishii u danbeeysay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalo koonfurta Soomalaya. Waxaana ay ku guuleysteen in si kadis ah u dilaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya. AL Shabaab soo bandhigayayaa  gaari nooca dagaalka ah oo sheegeen in ay ka qabsadeen ciidamada xoogga dalka.

Gaaridaan ay soo bandhigeen Alshabaab ayaa ah nooca loo yaqaan Tiknikada, waxaana ay ku sheegteen in ay kusoo qabsadeen dagaal iyaga iyo ciidamada Dowlada ku dhexmaray duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho sida ay ku baahiyeen baraha ay ku faafiyaan wararka.

Gaarigan oo leh calaamada iyo taarikada ciidanka dowlada ayaan la ogeyn halka ay Alshabaab kusoo bandhigeen marka laga soo tago sheegashadooda ah in ay ku qabsadeen dagaal duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowlada kaas oo la xiriira sheegada Alshabaab ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen gaarigan Tiknikada ah.

Si kastaba Alshabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay soo bandhigeen ciidamo iyo gaadiid ay sheegeen in ay ku qabsadeen iska hor imaadyo dhex maray iyaga iyo ciidamada dowlada iyadoona sidaasi si kamid ah ay ciidanka dowlada u soo bandhigeen gaadiid dagaal oo ka qabsadeen Alshabaab.