Al Shabaab oo si fudud kula wareegay deegaano ka tirsan Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan deegaano hoos yimaado Galmudug,ururka Al-Shabaab ayaa si fudud kula wareegeen gacan ku haynta deegaan muhim ah. Saaka aroortii hore ayay ciidamada Al-Shabaab dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Afcagaag oo kaabiga ku haya degmada Guriceel.

Dhanka kale ururka Al-Shabaab ayaa gaareen deegaankaas daqiiqado kadib markii ay ciidamada maamulka ‘Galmudug’ ay isaga baxeyn Afcagaag oo qiyaastii 16Km u jirta Guriceel. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaankaas, waxayna bartamaha Degmada ka taageyn calanka madow oo ay caan ku tahay kooxdaan.

Sideed casho ka  ayay aheyd markii sidaan oo kale ay xoogaga Shabaab ula wareegeen tuulada Dabarre oo qiyaastii 30Km ujirta Guriceel. Maamulka Gamudug weli wax war ah kama soo saarin deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn ee u dhow Guriceel.