Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliiska Somalia.
Rag ku hubeysnaa bistoolado oo iyaga ka tirsanaa ayay sheegeen in sarkaalkaas ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kuwaas oo dilka kadibna goobta ka baxsadeen.
Waxa ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaalia gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Wadajir.
Sikastaba dilkaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli xalay rag hubeysan ay bambaanooyin ku weerareen saldhigga degmada Wadajir wallow markii dambe la qabtay.