Al Shabaab oo sheegtay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ururka  Al-Shabaab oo mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ee maanta ka dhacay isgoyska Banaadir, kaas oo lagula beesgaday kolonyo uu la socday taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ahaa taliye Farxaan Qaroole, balse uu ka bad-baaday.

Waxa ay sidoo kale ku dareen  in qaraxan ay ku dileen 4 askari, halka ay ku dhaawacday 5 kale oo dhamaaan ka mid ah ilaalada taliyaha, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha booliska kooxda Riddada waxaana ku dhintay 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale  oo ahaa ilaaladiisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!